Maxkamadda Ciidamada oo dil ku xukuntay Ibraahim Aadan Maadeey

0

MUQDISHO (SMN) – Ibraahim Aadan Maadeey Afgarashadiisuna tahay Cabdiraxmaan, ayaa Khawaarijta kaga biiray degmada Jillib ee Gobolka Jubbada dhexe, Tabbar gaaban oo dhinaca Dillalka Qorsheysan ah kadib waxaa loo soo diray in Muqdisho uu ka howlgallo, Gaar ahaan Kooxda Dilalka Gaadmada ah fulisa, isaggoona mushaar ahaan kaga qaadan jiray Argagixisada Lacag u dhaxeysa Todobaatan iyo ilaa Sagaashan Dollar ka mareykanka ah.

 

Feejignaanta Dheeriga ah ee Ciidamada Aminga darteed Dhowr Shaqo oo la amray fulintooda ayaa fashil ku soo dhammaaday, hasa yeeshee Labada Bisha Koowaad ee sanadkaan marxuumad Khadiijo Siyaad Maxamed oo Afaafka hore ee gurigeeda si wal-wal la’aan ah kula sheekeesaneysay Gabadheeda, kaasi oo ku yaalla Degmadda Hodan Gaar ahaan Waaxda Kacaan ayaa Ibraahim Aadan Maadeey (Cabdiraxmaan) Isaggoo ka faa’iideysanaya naxariisteeda hooyanimmo ayuu ku dagay inuu u baahan yahay Biyo haaraad badanna u hayo, waxaase xigtay uu labo xabadood uu madaxa kaga dhuftay Marxuumad Maamo Khadiijo Siyaad Maxamed.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidmada ayaa codsaday mudeynta kiiskan, waxaana laga ogolaaday kow iyo Tobankii bishaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn Maanta Ku xukuntay Ibraahim Aadan Maadeey Dil toogasho oo ah qisaastii Marxuumad Khadiijo Siyaad Maxamed.

Sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here