Maxkamadda Ciidamada oo ku xukun dil toogasho ah ku riday Askari ka tirsanaa NISA

0

 Muqdisho – Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa Afgooye, Shabeellada Hoose – Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida (QS) ayaa ku xukuntay dil toogasho Ex-Dable NISA Mukhtaar Shakuur Amiin, kadib markii lagu helay mas’uuliyadda dilka Marxuum Fahxi Cabdullahi Cabdi oo ka dhacay 16-kii February 2026, sida uu shaaciyey Guddoomiyaha Maxkamadda, G/sare Xassan Cali Nuur Shuute.

 

Dhacdadan ayaa ka dhacday degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose, waxaana sidoo kale u geeriyooday Cabdullaahi Cabdi Muuse, aabaha Marxuumka, ka dib markii uu maqalay warka dhimashada wiilkiisa.

Dilku wuxuu ka dhashay muran la xiriiray taleefanka Marxuumka oo uu isticmaalayey xilligii uu ka soo baxay masjidka, kadib salaaddii Duhur.
Baaris dheer oo ay sameeyeen Xafiiska Xeer-ilaalinta Ciidamada QS ayaa keentay in kiiskan la qaado, waxaana dacwadda laga aqbalay 3-dii March 2026. Maxkamaddu waxay dhagaysatay maragyo goob-joog u ahaa dhacdada ka hor inta aanay xukunka fulin.

Guddoomiyaha Maxkamadda ayaa sheegay in xukunka uu yahay Qisaasta Marxuumka Fahxi Cabdullahi Cabdi, oo ah mid sharci ahaan lagu xaqiijiyey kadib dhageysiga cadeymaha iyo doodaha dhinacyada dacwadda.

xukuntay dil toogasho Ex-Dable NISA Mukhtaar Shakuur Amiin, kadib markii lagu helay mas’uuliyadda dilka Marxuum Fahxi Cabdullahi Cabdi oo ka dhacay 16-kii February 2026, sida uu shaaciyey Guddoomiyaha Maxkamadda, G/sare Xassan Cali Nuur Shuute.

Dhacdadan ayaa ka dhacday degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose, waxaana sidoo kale u geeriyooday Cabdullaahi Cabdi Muuse, aabaha Marxuumka, ka dib markii uu maqalay warka dhimashada wiilkiisa.

Dilku wuxuu ka dhashay muran la xiriiray taleefanka Marxuumka oo uu isticmaalayey xilligii uu ka soo baxay masjidka, kadib salaaddii Duhur.

Baaris dheer oo ay sameeyeen Xafiiska Xeer-ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa keentay in kiiskan la qaado, waxaana dacwadda laga aqbalay 3-dii March 2026. Maxkamaddu waxay dhagaysatay maragyo goob-joog u ahaa dhacdada ka hor inta aanay xukunka fulin.

Guddoomiyaha Maxkamadda ayaa sheegay in xukunka uu yahay Qisaasta Marxuumka Fahxi Cabdullahi Cabdi, oo ah mid sharci ahaan lagu xaqiijiyey kadib dhageysiga cadeymaha iyo doodaha dhinacyada dacwadda.May be an image of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here