Maxkamadda G/Banaadir oo la horgeeyay mas’uuliyiin loo haysto Musuq-maasuq

0

MUQDISHO (SMN) – Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta si rasmi ah uguda gashay dhageysiga dacwad ka dhan ah mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya oo loo haysto musuq-maasuq, gaar ahaan xatooyo xoolo dadweyne.

 

Maxkamadda ayaa waxaa maanta kasoo muuqday afar mas’uul oo ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, kuwaas oo loo soo xiray falal la xiriira Musuq-maasuq.

Afarta mas’uul ayaa kala ah:- 1-Cabdullaahi Maxamuud Cosoble oo ah agaasimaha waaxda socdaalka ajaaniibta ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, 2-Cumar Macallin Nuur agaasime ku xigeenka waaxda ajaaniibta ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, 3-Saabir Xasan Cabdinuur madaxa hubinta Viso kordhinta ee waaxda ajaaniibta ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda iyo 4-Aadan Maxamed Cabdi maamulaha qaadashada Visaha ee waaxda Viso kordhinta Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

Dhammaan mas’uuliyiintan ayaa xafiiska xeer ilaalinta qaranka waxay ku soo oogtay eedeymo ay ka mid yihiin musuq, ku takrifal awoodeed iyo lunsasho hanti dadweyne.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah qorshaha dowladda ee ku aadan la dagaallanka musuq-maasuqa, kaas oo loo xiray mas’uuliyiin dhowr ah, halka kuwa kalena ay baxsadeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here