Maxkamadda gobolka oo u fariisatay dacwad ka dhan ah rag loo haysto Musuq

0

MUQDISHO (SMN) – Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta markii labaad wad dhagaysiga dacwad ka dhan ah eedeysanayaal loo haysto xatooyo xoolo dad weyne.

 

Xubnaha ay maanta maxkamaddu dacwaddooda dhagaysanayso ayaa waxaa ka mid ah, Abuukar Maxamed Cali  maamulahii xafiiska canshuuraha berrriga ee wasaaradda Maaliyadda ku leeedahay garoonka diyaaradaha Muqdisho, Maxamed Aadan Cabdullaahi maamulahii Bankiga dhaxe laanta garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo Cabduqaadir Cabdi Socdaal, Qasnajigii Bankiga dhaxe qeybta dakhliga ajaanibta.

Xeer Ilaaliye ku xigeenka maxkamadda gobolka Banaadir, Faarax Cabdiraxmaan Jaamac oo si horudhac ah u sharaxay caddeymaha ay u haayaan eedeysanayaasha ayaa shegay in ay adeegsadeen waraaqo been abuur ah oo lagu lunsaday lacago aan ku dhicin qasnadda Bankiga dhexe.

Wuxuuna sheegay in caddeymaha loo kala saari doono sanadihii 2018 illaa  2013 iyo nin waliba doorka uu ka nin waliba ku lahaa fal dambiyeedka lagu soo eedeeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here