Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir oo soo gabagabeysay kiiska Sayid-Cali

0

MUQDISHO (SMN) – Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa soo gabagbeysay kiiska culus ee loo haysto Sayid Macallin Daa’uud, kaas oo marxlado kala duwan soo maray.

 

Maxkamadda oo fadhigii ugu dambeeyay ka yeelatay kiiskan ayaa maanta dhageystay doodda u dhexeysay xeer ilaalinta iyo qareennada difaacayay.

Sidoo kale maxkamadda ayaa la horgeeyay marqaatiyeyaal cusub oo la wareystay, kuwaas oo ay kamid yihiin dhaqaatiirtka Isbitaalka Digfeer oo ay ku geeriyootay marxuumadda.

Sayid-Cali ayaa qudhiisa ka hor-hadlay maxkamadda, wuxuuna sheegay inuu diyaar u yahay inuu maro sharciga, haddii lagu helo dambiga lagu soo eedeeyay.

Ugu dambeyn guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka oo soo xiray fadhigan ayaa sheegay in natiijada ay dib uga dhawaaqi doonaan, isla markaana ay muteyn doonaan fadhi kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here