Maxkamadda racfaanka oo u fariisatay dacwadda mas’uuliin loo haysto musuq

0

MUQDISHO (SMN) – Maxkamadda racfaanka gobolka Banaadir ayaa mar kale maanta u fariisatay dhageysiga dacwad musuq-maasuq ah oo loo haysto ma’suuliyiin ka tirsan dowladda.

 

Waxaa maxkamadda kasoo muuqday illaa 5 sarkaal oo ka tirsan hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda, kuwaas oo ay horay usoo xukuntay maxkamadda gobolka Banaadir, balse ay racfaan kasoo qaadatay xeer ilaalinta qaranka oo markii hore soo eedeysay raggaan.

Dhageysiga dacwaddan ayaa gashay maalinkii afaraad ayada oo la filayo inay go’aan rasmi ah kasoo saarto maxkmadda racfaanka ee gobolka Banaadir.

Dowladda Soomaliya ayaa haatan wadda dagaal ka dhan ah musuqa, kaas oo loo soo xiray mas’uuliyiin dhowr ah, halka kuwa kalena ay u baxsadeen dalka dibaddiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here