Maydka Marxuumad Khadiijo Maxamed Diiriye oo lagu wado in la keeno Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Allaha u naxariistee waxaa saacadaha soo socda ee maanta lagu wadaa in garoonka Aadan Cadde laga soo dajiyo maydka wasiirkii haweenka iyo xuquuqul insaanka Khadiijo Maxamed Diiriye oo shalay ku geeriyootay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.

 

Marxuumadda oo mudo dheer usoo shaqeyneysay dalka ayaa aas qaran loogu sameynayaa magaalada Muqdisho, sida uu xaqiijiyay wasiirka warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aweys.

Wasiirka ayaa sheegay in haatan ay wadaan qaban qaabada aaska Marxuuma Khadiijo Maxamed Diiriye oo ay guddi gaar ah u xil-saartay dowladda Soomaaliya.

Madax kala duwan oo ay ugu horreeyaan madaxweynaha iyo rai’iisul wasaaraha ayaa ka tacsiyeeyay geerida naxtinta leh ee ku timid Khadiijo Maxamed Diiriye oo kamid ahayd wafdi uu hogaaminayay ra’iisul wasaare Xamza oo todobaadkan booqasho ku tegay Jabuuti.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here