GALDOGOB (SMN) – Wararka naga soo gaaraya Mudug ayaa sheegaya in maanta maydka wiil dhalinyaro ah laga helay balliga Laasaha oo ku yaal degmada Galdogob ee gobolkaasi.
Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Shuceyb Daahir Jaamac, kaas oo ay da’diisu aheyd 16 sano jir, sida ay innoo sheegeen qaar kamid ah dadka deegaanka.
Ehellada marxuumka ayaa maalmihii dambe raadinayay wiilkooda, balse waxa ay ugu dambeyntii isaga oo mayd ah ka heleen balliga Laasaha ee degmada Galdogob.
Sidoo kale dadka deegaanka ayaa sheegay in jirka marxuumka ay ka muuqdeen dhaawacyo halis ah, waxayna biyuhu la tageen, xilli uu ku dabaalanayay halkaasi.
Maydka marxuumka ayaa sidoo kale la geeyay isbitaalka weyn ee magaalada, ayada oo la filayo in la aaso saacadaha soo socdo.
Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee maamulka Puntland, kuwaas oo haatan wada baaritaano ku aadan dhacdadaasi.
Geerida ku timid marxuum Shuceyb Daahir Jaamac ayaa si weyn u xanuunjisay ehelladiisa iyo dadka deegaanka maadaama isaga oo mayd ah laga helay balliga magaalada Galdogob.