Mid kamid ah dadkii ka badbaaday weerarkii xarunta gobolka Bamaadir oo wareysi bixiyay

0

MUQDISHO (SMN) –  Waxaa weli isa soo tarayo macluumaadka laga helayo weerarkii xooganaa ee ay shalay kooxda Al-Shabaab ku qaaday xarunta maamulka gobolka Banaadir, kaas oo sababay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

 

Weerarka waxaa fuliyay xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo isku soo ekeysiiyay ciidamada dowladda, kuwaas beegsaday dhismaha xarunta aqalka dowladda hoose ee Xamar.

Ugu yaraan 5 qof ayaa ku dhintay weerarka, halka ay ku dhaawacmeen 4 kale, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Haddaba si aan macluumaad intaas ka badan uga helno weerarkan waxay Idaacadda Shabelle la xiriirtay Mowlid Abdi Mohamed oo kamid ahaa dadkii ka badbaaday weerarka, kuna sugnaa xarunta gobolka Banaadir.

Mowlid Abdi Mohamed ayaa dhaawac wuxuu kasoo gaaray jilibka, wuxuu nala hadlay isaga oo lagu dabiibayo Isbitaalka Shaafi ee magaalada Muqdisho.

Wiilkan dhalinyarada ah ee ka midka ah shaqaalaha Gobolka Banaadir kana badbaaday weerarka ayaa sheegay in marka hore uu dhacay qarax wayn, kadibna ay xigtay rasaas iyo dagaal toos ah oo dhex-maray raggii weerarka soo qaaday iyo ciidamada ammaanka.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inuu indhihiisa ku arkay laba qof oo mayd ah, isaga iyo dad kalana ay kasoo boodeen darbiga, si ay u badbaadiyaan noloshooda.

Weerarkan ayaa kusoo aaday xilli xasaasi ah, isla markaana Muqdisho ay kusoo badanayaan qaraxyada iyo dilalka ay ka gaysanayaan maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here