Midnimada iyo wadajirka Qaranka Soomaaliyeed waa mid lama taabtan ah sida ku dhawran Dastuurka iyo shuruucda kale ee Dalka.
Qaddiyadda Soomaaliland waxa ay ka dhalatay xadgudub lagu galay magaca Qaranka Soomaaliyeed, xalkeeduna ma ahan in lagu daaweeyo xadgudub kale.
Xalka qaddiyadaan kuma jiro in la colaadiyo, maamulkooda la wiiqo, colaado gudaha ah lagu abuuro ee waa in xalka lagu raadiyo wada xaajood iyo walalnimo.
Kuma raacsani sida ay u wajahday Dawladda maanta xukunka haysa umana arko in xal lagu gaarayo.
Sidii aan horay ugu caddeeyay mawqifkayga, waxaan aaminsanahay in aan Maamulka iyo Shacabka Soomaaliland aan la colaadin, lakala qaybin, awoodda Dawladnimadana loo isticmaalin in lagu waxyeeleeyo xasiloonidooda amni iyo midooda siyaasadeed, waxaan kaloo aaminsnahay in lala galo wadahadal daacadnimo ku jirto, nuxurkiisuna yahay sidii loo ilaalin lahaa midnimada iyo wadajirka Qaranka Soomaliyeed loona maro walaalnimo iyo is qancin,” RW hore Maxamed Xuseen Rooble ayaa yiri.



