Midowga Afrika ayaa ballanqaaday in uu sii wadi doono taageerada nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya, inkasta oo caqabado dhaqaale ay saameeyeen howlgalka nabad-ilaalinta ee Qaaradda ee Geeska Afrika.
Guddoomiyaha Midowga Afrika, Mahmoud Ali Youssouf, ayaa qeexay baahida loo qabo dhammeystirka hawlgalka Taageerada iyo Xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) si aysan dhib u dhac ugu imaan guulaha laga gaaray Al Shabaab.
Guddomiye Youssouf waxa uu sheegay in Midowga Afrika uu la shaqeynayo dhammaan saaxiibada, gaar ahaan dalalka xubnaha ka ah, si loo maareeyo dhaqaalo xumida saameyay sanduuqa nabadda.
Wuxuu xusay in sanduuqan uu muhiim u yahay ka hortegga in lagu guuldareysto geedi-socodka kala guurka ee ATMIS iyo AUSSOM.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa Guddoomiyaha wuxuu sheegay in AUSSOM uu wajahayay caqabad dhaqaale oo gaareysa ugu yaraan 90 milyan oo doollar, si loogu taageero qeybaha ciidamada milatariga, booliska, rayidka iyo hawlgallada lixda bilood ee ugu horreeya sanadkan.
Youssouf waxa uu xusay in ay jiraan arrimo kale oo muhiim u ah taageerada nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya marka laga reebo maalgelinta AUSSOM.
Wuxuu ugu baaqay dowladda federaalka Soomaaliya in ay dedejiso geedi-socodka dhismaha ciidanka si loo helo Ciidan la wareega mas’uuliyadda ammaanka dalka Soomaaliya.
Ugu dambeyn, Guddomiye Youssouf ayaa sidoo kale ku dhiirrigeliyay dowladda Federaalka Soomaliya inay sii waddo dadaallada siyaasadeed ee lagu dhisayo hay’adaha dowladda.




