Midowga Afrika oo cambaareeyay weerar hoobiye oo lagu qaadey Garoonka Aadan Cadde

0

MUQDISHO, Soomaaliya [SMN] – War-saxafaadeed kasoo baxay howlgalka Midowga Afrika ayaa lagu cambaareeyay weerar hoobiye oo Al-Shabaab ku qaadey Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde Maalintii shalay, kaasoo geystay khasaarooyin isagu jira dhimasho iyo dhaawac.

 

Ku xigeenka ergayga Midowga Afrika Sivuyille Bam ayaa sheegay in weerarka lala bartilmaameedsaday goobo shacab degan yihiin iyo garoonka Aadan Cadde, isagoo tilmaamay in weerarka aan waxba u dhimayn dadaallada nabad waarta iyo xalisooni loogu raadinayo dalka Soomaaliya.

“Weerarada aan kala sooca lahayn wuxuu muujinayaa sida Al-Shabaab wax tixgelin ugu heynin nolosha bini’aadamka, waxayna muujinaysaa inay kooxda guul-darooyin kala kulantay howlgalada militeri ee ka socda gobollada dalka,” ayuu yiri ku xigeenka ergayga Midowga Afrika.

Howlgalka Midowga Afrika ayaa ku celisay inay ka go’an tahay sii wadida taageeradda Soomaaliya, si dalka u gaaro nabad iyo horumar, islamarkaana uga adkaado kooxaha caqabada ku ah dib usoo kabashada dalka.

Weerarka hoobiye ee shalay dhacay ayaa waxaa ku dhimatay 2 qof oo shacab ah oo ku noolaa nawaaxiga xerada Xalane, iyadoo ku dhaawacmeen saddex ruux oo shacab ah, waxaana la ogeyn khasaaraha ka dhashay hoobiyaasha gudaha Xalane ku dhacay.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xalay la kulmay saraakiisha laamaha amniga oo kala hadlay weerarka iyo sidii looga hortagi lahaa dhacdooyin kale oo wax u dhimaya xasiloonida caasimada dalka .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here