MUQDISHO, Soomaaliya – Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa soo dhoweeyey heshiiska Itoobiya iyo Soomaaliya ee ku saabsan soo celinta xiriir diblomaasiyeed ee u dhaxeeyay oo muda sanad ku dhaw meesha ka maqan.
Heshiiskan ayaa ka soo baxay wadahadallo dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo ka dhacay Addis Ababa 11kii Jan, 2025.
Afhayeenka AUSSOM, Safiirka Maxamed El-Amine Souef, oo ah Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya, ayaa ku tilmaamay heshiiska mid muhiim ah oo “ahmiyad weyn u leh xiriirka labada dal,” isla markaana ah soo nooleyn iyo xoojinta ballanqaadyadii hore ee lagu gaaray Qaraarkii Ankara.
Safiir Souef ayaa sheegay in xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed, adkeynta iskaashiga amniga, iyo horumarinta isdhexgalka dhaqaalaha ay yihiin tallaabooyin muhiim u ah “horumarka nabadda, xasiloonida, iyo barwaaqada wadajirka ah ee gobolka.”
AUSSOM ayaa sidoo kale muujisay in ay “si buuxda u taageereyso dadaallada Soomaaliya ee xasillooni raadinta iyo iskaashiga gobolka,” iyadoo la jaanqaadaysa rabitaanka shacabka Soomaaliyeed iyo aragtida Midowga Afrika ee ku saabsan qaarad nabad ah oo barwaaqo ah.
Heshiiska, oo lagu shaaciyay qoraal wadajir ah oo la soo saaray 11kii Janaayo, 2025, ayaa qeexaya go’aanka labada dal ee ku aaddan “soo celinta iyo xoojinta xiriirkooda diblomaasiyadeed iyagoo si buuxda ugu matalaya caasimadahooda.” Waxa kale oo lagu xusay baahida loo qabo “isku xirnaan dheeraad ah oo ka dhex dhaca ururrada caalamiga ah iyo kuwa gobolka si loo wajahdo arrimaha danaha guud ee labada dal.”