QAAHIRA — Midowga Yurub (EU) iyo dowladda Masar ayaa si wadajir ah ugu baaqay beesha caalamka in ay kordhiyaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya, iyagoo sheegay in iskaashi caalami ah iyo ka qaybgalka deeq-bixiyeyaasha cusub ay muhiim u yihiin dadaallada lagu xasilinayo dalka.
Labada dhinac ayaa ku celiyay sida ay uga go’an tahay xoojinta dowlad-dhiska, amniga iyo dib-u-habeynta ciidamada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya. EU iyo Masar ayaa sidoo kale muujiyay walaac ku saabsan hanjabaadda sii socota ee kooxda Al-Shabaab iyo saameynta ay ku leedahay xasilloonida Geeska Afrika.
Midowga Yurub ayaa soo dhoweeyay qorshaha Masar ee ah in ay ka qaybqaadato Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya (AUSSOM), qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo nabadda iyo amniga dalka.
Masar ayaa ku dhawaaqday ka qaybgalkeeda bishii December 2024, afar bilood ka dib markii ay la saxiixatay Soomaaliya heshiis iskaashi ciidan. Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Badr Abdelatty ayaa xilligaas sheegay in dirista ciidamada ay ku timid “codsi ka yimid dowladda Soomaaliya iyo oggolaanshaha Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika.”
Ciidamada Masar ayaa la filayaa in ay toddobaadyada soo socda gaaraan Soomaaliya, inkastoo hawlgalka AUSSOM uu weli wajahayo caqabado dhinaca maalgelinta ah.
EU iyo Masar ayaa hoosta ka xariiqay in iskaashi istiraatiiji ah uu muhiim u yahay horumarinta adeegyada bulshada, dib-u-dhiska iyo kaabeyaasha dhaqaalaha ee Soomaaliya. Waxay sheegeen in taageerada joogtada ah ee caalamiga ahi ay muhiim u tahay xoojinta nabadda iyo horumarka dalka.
Shirka ayaa lagu soo gabagabeeyay heshiis lagu xoojinayo isku-duwidda EU iyo Masar ee arrimaha Soomaaliya, iyo in la dhiirrigeliyo ka qaybgalka caalamiga ah si loo xaqiijiyo xasillooni iyo barwaaqo waarta oo gobolka ka hanaqaada.




