Midowga Yurub oo ka hadlay diyaarado hawada laga celiyay oo ay saarnaayeen ilaalada Jubaland iyo Puntland

0

Muqdisho – Midowga Yurub ayaa war ka soo saaray dhacdo la xiriirta laba diyaarad oo ay saarnaayeen ilaalada madaxda maamul-goboleedyada Jubaland iyo Puntland, kuwaas oo lagu soo celiyay hawada, xilli ay ku sii jeedeen magaalada Muqdisho.

 

War-saxaafadeed ay ku daabacday barta X (Twitter) Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Francesca Di Mauro, ayaa lagu sheegay in Midowga Yurub uu rajeynayo in dhammaan dhinacyada ay xal wadajir ah ka gaaraan arrimaha taagan.

Safiirka ayaa xustay in Midowga Yurub uu si xooggan u dhiirrigelinayo abuurista jawi ku habboon wada-hadal miro-dhal ah, si loo fududeeyo doodaha masiiriga ah ee horseedi kara hannaan doorasho oo la isla oggol yahay.

Waxay intaas ku dartay in wada-hadallo loo dhan yahay oo noocan ah ay yihiin tiir muhiim u ah xasilloonida siyaasadeed iyo horumarka dimuqraadiyadeed ee dalka, iyadoo Midowga Yurub uu mar kale muujiyay sida ay uga go’an tahay taageeridda geeddi-socodka siyaasadeed ee Soomaaliya.

May be an image of text that says "Francesca Di Mauro @francescaDM_EU Shame that advance teams fr PL & JL could not arrive today in Moga. Whatever the misunderstanding, the hopes that all sides will find a solution for this key dialogue to happen, and set a conducive environment for substantive discussions, leading to a way forward on elections. 20:22 01 Feb 26 •336 Views"

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here