Mike Waltz: “Qaramada Midoobay waxay xilal siinaysaa dalal ay ka jirto amni-darro sida Soomaaliya

0

NEW YORK – Safiirka Maraykanka ee QM, Mike Waltz, ayaa sheegay in mid ka mid ah cilladaha waaweyn ee Qaramada Midoobay ay tahay in dalal lagu meeleeyo xilal sare oo caalami ah, iyada oo aan loo eegin xaaladda amni ee ka jirta gudaha dalalkaas.

 

Hadalkan ayuu ka jeediyay xilli Soomaaliya ay isu diyaarinayso inay 1-da Janaayo la wareegto hoggaanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSC).

Hoggaanka Golaha Ammaanka wuxuu u wareegaa si wareeg ah oo ku salaysan xarfaha alifbeetada, waxaana dal kasta oo ka mid ah 15-ka xubnood uu xilka hayaa 30 maalmood. Sida jadwalka rasmiga ah, Boqortooyada Ingiriiska (UK) ayaa xilka la wareegi doonta Febraayo, halka Maraykanka uu noqon doono madaxweynaha Golaha Ammaanka Maarso.

Inkasta oo hadalka Waltz uu dhaliyay dood, Qaramada Midoobay waxay ku adkaysanaysaa in nidaamka wareegga ahi uu xaqiijinayo sinnaan iyo ka-qaybgal buuxa oo dhammaan xubnaha Golaha Ammaanka ah.

Soomaaliya, oo xubin aan joogto ahayn ka ah Golaha Ammaanka, ayaa hoggaankan u aragta fursad ay ku muujiso doorkeeda diblomaasiyadeed iyo aragtideeda ku aaddan nabadda iyo amniga caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here