Milatariga Mareykanka oo laba duqeyn ku qaaday ISIS-Soomaaliya

0

Muqdisho, Juun 2, 2025 – Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa Axaddii shalay shaaciyay in labo duqeyn ay ka fuliyeen gudaha Soomaaliya, kuwaas oo lagu bartilmaameedsaday kooxda ISIS-Soomaaliya.

 

Duqeymaha ayaa dhacay 31-da May iyo 1-da Juun, waxaana la fuliyey meel ku dhow 72 km koonfurta magaalada dekedda ah ee Boosaaso, oo ku taalla dowlad-goboleedka Puntland.

Inkasta oo AFRICOM aysan faahfaahin ka bixin khasaaraha ka dhashay howlgalka, haddana waxay xuseen in duqeymaha ay ka dambeeyeen kadib markii la ogaaday “kartida iyo u heellanaanta ISIS-Soomaaliya ee weerarada ka dhan ah ciidamada Mareykanka.”

“Duqeymuhu waxay ahaayeen kuwo si gaar ah loogu beegsaday xubno ka tirsan ISIS-Soomaaliya, si loo wiiqo awoodooda hawlgal iyo qorsheynta weerarrada,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay AFRICOM.

Taliska Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in qiimeynta hordhaca ah ay muujineyso inaanay jirin wax khasaare ah oo soo gaaray dad rayid ah, isla markaana howlgalka lala kaashaday dowladda Federaalka Soomaaliya.

ISIS-Soomaaliya oo ah koox ka yar Al-Shabaab, ayaa weli ku sugan buuraleyda Puntland, waxayna sheegatay mas’uuliyadda weerarro qorsheysan oo ka dhacay gudaha dalka sanadihii u dambeeyay.

Duqeymihii ugu dambeeyay ayaa qeyb ka ah dadaallada Mareykanka uu ku taageerayo la-dagaalanka argagixisada ee Geeska Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here