Moqokori, Gobolka Hiiraan – Ciidamada Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgal qorshaysan oo si guul leh loo fuliyay ka sameeyay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaas oo lagu dilay saddex hogaamiye oo ka tirsanaa Al-Shabaab.
Mid ka mid ah hogaamiyeyaasha la dilay ayaa ahaa Cabdi Xiiray, oo ka mid ahaa hogaamiyeyaasha sare ee Khawaarijta, kuna lug lahaa dhagaro badan oo lagu beegsaday shacabka iyo ciidamada ammaanka ee deegaannada Hirshabeelle.
Cabdi Xiiray ayaa sidoo kale ahaa maskaxdii ka dambaysay weerarro dhowr ah oo lagu qaaday xarumo dowladeed iyo shacab aan waxba galabsan.
Howlgalkan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo Khawaarijta iyo burburinta shabakadaha ay ku leeyihiin gudaha dalka, gaar ahaan gobollada bartamaha Soomaaliya.
Saraakiisha ammaanka ayaa xaqiijiyay in howlgalku uu ku dhammaaday guul, isla markaana aysan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray ciidamada fuliyay.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale ku celinaysaa go’aankeeda ah in aysan jirin wax wada-hadal ah oo lala gali doono Al-Shabaab, kuwaas oo weli khatar ku ah amnig qaranka.




