BAYDHABO (SMN) – Ibraahim Sheekh Cabdiwaaxid oo ah guddoomiye ku xigeenkii hore ee guddiga dib u heshiisiinta maamul goboleedka Koonfur Gabeed Soomaaliya ayaa ka hadlay xaaladda cakiran ee maamulkaasi, gaar ahaan arrinta doorashada.
Mr. Ibraahim ayaa sheegay in wax badan laga fuliyay heshiiskii horay loogu gaaray Baydhabo, welina wax kale ay harsan yihiin, balse loo baahan yahay in mucaaradka ay daganaan muujiyaan.
Sidoo kale wuxuu ugu baaqay inay si nabad ah ku raadiyaan xalka, si aan loo xagal daacin horumarka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo dhawaan xubnaha mucaaradka Koonfur Galbeed oo ku shiray Nairobi ay soo saareen go’aano ka dhan madaxweyne Laftagareen.