Mucaaradka oo Kulamo Siyaasadeed uga billowday magaaladda Muqdisho

0

MUQDISHO, 23 May 2025 – Magaalada Muqdisho ayaa martigelineysa kulamo siyaasadeed oo ay isugu yimaadeen madax hore iyo siyaasiyiin mucaarad ah, kuwaasoo diiradda saaraya xaaladda dalka iyo sidii loo heli lahaa doorasho lagu kalsoon yahay oo loo dhan yahay.

 

Kulanka ugu horreeya oo ahaa mid xasaasi ah ayaa ka dhacay hoyga uu magaalada Muqdisho ka daggan yahay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, waxaana ka qeyb galay Raysal-wasaarayaashii hore Xasan Cali Kheyre iyo Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke. Kulankan ayaa looga hadlayay badbaadinta geedi socodka dowladnimada iyo in dalka laga saaro hubanti la’aanta siyaasadeed ee sii kordheysa.

Madaxdan ayaa sheegay in xaaladda uu dalku marayo ay khatar ku tahay hanaanka dowladnimo ee Soomaaliya, waxayna ku baaqeen in la helo xal qaran oo mideysan.

Isla maanta, kulan kale oo daba socda kii hore ayaa ka furmay Mowlaca Macalin Nuur ee Muqdisho, halkaasoo ay isugu yimaadeen siyaasiyiinta mucaaradka ee ugu saameynta badan. Kulankan ayaa hordhac u ah shirweynaha mucaaradka oo la filayo in looga arrinsado sidii loo wajahilahaa hanaanka Villa Somalia ay hadda ku hogaaminayso dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in laga filayo kulamadan in ay kasoo baxaan qodobo muhiim ah oo la xiriira jihada siyaasadeed ee dalka, iyada oo la tixgelinayo xilliga kala guurka ee soo socda.

Mucaaradka ayaa maalmahanba kulamo joogto ah ka waday gudaha iyo dibadda dalka, kuwaas oo looga hadlayay talaabooyinka ay tahay in laga qaado si looga hortago dib u dhac siyaasadeed oo ku yimaada doorashada 2026.

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa marar badan loo diray fariimo siyaasadeed oo ku aaddan in laga fogaado waddo kasta oo dalka gelin karta xaalad qalalaase, loona baahan yahay in la helo hannaan talo wadaag ah.

Xiisadda siyaasadeed ayaa maalmihii la soo dhaafay sii xoogeystay, iyadoo madaxda mucaaradka iyo dowladda ay hawada isku marinayeen hadallo kulul oo muujinaya heerka khilaafka siyaasadeed. Madaxtooyada Soomaaliya ayaa si adag uga jawaabtay dhaliilaha mucaaradka, taasoo sare u qaaday xiisadda siyaasadeed ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here