Mucaaradka oo La sheegay in Lagu Qanciyey Villa Soomaaliya in Lagula Shiro

0

MUQDISHO — Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dadaallo siyaasadeed oo socda ay horseedeen in mucaaradka lagu qanciyo in shir wadatashi ah lagu qabto xarunta Villa Somalia, si xal waara looga gaaro khilaafaadka taagan.

 

Ra’iisul Wasaaraha Xamse Cabdi Barre ayaa la sheegay inuu xalay kulan gaar ah la yeeshay madaxda dowlad-goboleedyada Puntland iyo Jubaland, kuwaas oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Muqdisho.

Kulankaas oo ahaa mid aan saxaafadda loo furin ayaa lagu sheegay in Ra’iisul Wasaaruhu ku qancinayay madaxdaasi goobta uu ka dhacayo shirka la doonayo inuu dhex maro Madaxweynaha iyo Golaha Madasha Mustaqbalka, oo ay ku mideysan yihiin xubno mucaarad ah, isla markaana ay qeyb ka yihiin hoggaamiyeyaasha Puntland iyo Jubaland oo muddo khilaaf kala dhexeeyay dowladda federaalka.

Shirka la qorsheynayo ayaa looga gol leeyahay in xal looga gaaro khilaafka siyaasadeed ee salka ku haya hannaanka doorashooyinka dalka iyo wax-ka-beddelka dastuurka kumeelgaarka ah, arrimahaas oo ay mucaaradku ka muujiyeen tabashooyin xooggan.

Ilo xog-ogaal ah ayaa tilmaamaya in dowladda federaalka ay muujisay dabacsanaan ku aaddan qabsoomidda shirka, si loo helo is-afgarad siyaasadeed oo horseeda xasillooni iyo wada-shaqeyn buuxda oo u dhexeysa dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here