Muqdisho, Soomaaliya – Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi, ayaa mar kale si adag u weeraray qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah, isaga oo ku eedeeyay in ay si aan masuuliyad lahayn uga hadlaan dagaalka ay ciidamada dowladda kula jiraan ururka Al-Shabaab.
Wasiir Fiqi oo hadal ka jeediyay shir jaraa’id uu kaga hadlayay howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa si cad u dhaleeceeyay siyaasiyiinta mucaaradka, isagoo sheegay in ay dagaalka u arkaan ciyaar siyaasadeed, halkii laga filayey inay u arkaan arrin qaranimo.
“Ciidamada qalabka sida waxay naftooda u hurayaan badbaadinta dalka, mana mudna in niyad-jab lagu abuuro iyaga oo dagaal kula jira koox argagixiso ah,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.
Wasiirku wuxuu hoosta ka xarriiqay in xilligan la joogo uu yahay mid u baahan midnimo, garab istaag, iyo dardar ku wajahan cadawga, isla markaana siyaasadda gudaha aysan noqon karin wax wiiqaya halganka dalka lagaga sifeynayo Al-Shabaab.
Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo mucaaradka qaarkood ay dhaliil u jeediyeen qaabka dowladda u wajahday dagaalka Al-Shabaab iyo maamulka amniga guud ee dalka, taas oo keentay dood siyaasadeed oo xooggan.
Si kastaba ha ahaatee, dowladda ayaa dhowaan sheegtay in guulo laga gaaray dagaallo culus oo ka dhacay qaar ka mid ah gobollada dhexe, iyadoo ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay sii wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.



