MUQDISHO, Soomaaliya – Gollaha Samatabixinta oo Shirka ku yeeshay Maanta Muqdisho, ayaa shaaciyay inuu fashil kusoo dhamaadey shirkii ugu dambeeyay ay la yeesheen Madaxweyne Xasan Sheekh.
Waxay fashilka ku tilmaameen nasiib-darro, iyadoo Mucaaradka shaaciyay inay wali diyaar u yihiin wadahadallo lagu dhameynayo khilaafka ka taagan doorashadda iyo dastuurka.
“Nasiibdaro lama gaarin Heshiiskii Shacabka Rajo gelin lahaa loogana badbaadi lahaa Khalalaaso Siyaasadeed,” ayaa lagu yiri qoraalka Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed.





