Mucaaradka Puntland oo dacwad u gudbiyay maxkamadda dastuuriga ah

0

GAROOWE (SMN) –  Siyaasiyiinta mucaaradka Puntland ayaa maanta dacwad ka dhan ah xukuumadda iyo baarlamaamka u gudbiyay maxkamadda dastuuriga ah ee maamulkaas.

 

Dacwaddan ayaa waxa ay la xiriirtaa muranka ka dhashay hannaanka doorashooyinka ee maamulkaasi oo ay weli isku hayaan xubnaha mcuaradka iyo xukuumadda.

Guuleed Saalax Barre oo ka mid ah xubnaha dacwadda gubdiyay ayaa sheegay in tiradooda ay tahay illaa 30 siyaasi, isla-markaana ujeedka uu yahay in wax laga qabto gabood fallo u sheegay inuu ku kacay hoggaanka sare ee Puntland, gaar ahaan xukuumadda Saciid Deni.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay kalsooni ku qabaan maxkamadda dastuuriga ah ee Puntland, taas oo uu sheegay inay qabatay dacwadda ay maanta u gudbiyeen.

Dhankiisa waxaa dacwaddan faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad oo kamid ah mucaaradka ku sugan magaalada Garoowe, wuxuuna tilmaamay in dacwaddooda ay tahay mid ka dhan ah xukuumadda iyo sidoo kale baarlamaanka, isaga oo ku eedeeyay inay jabiyeen dastuurka u yaal Puntland.

Axmed Ciise Cawad ayaa sidoo kale intaasi ku daray in ujeedka uu yahay in laga hortago colaad iyo xasilooni darro siyaasadeed oo ka dhacda Puntland.

Si kastaba, Puntland ayaa haatan ku jirta xaalad jahwareer ah oo ka dhalatay muranka hareeyay doorashada, taas oo sidoo kale sababtay gacan ka hadal, kadib markii ay dhawaan ciidamo taabacsan mucaaradka iyo kuwa amaanka ay ku dagaalameen Garoowe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here