MUQDISHO, 1-da Juun 2025 — Siyaasiyiinta mucaaradka Soomaaliyeed ayaa ku soo gabagabeeyay shir ballaaran oo maalmahan uga socday magaalada Muqdisho, iyagoo ka soo saaray in ka badan toban qodob oo la xiriira xaaladda guud ee dalka. Qodobadaasi ayaa si gaar ah u taabanaya siyaasadda, dastuurka, amniga, iyo arrimaha bulshada.
Mucaaradku waxay uga digeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, in uu isku dayo inuu kursiga ku dhegganaado, iyagoo ku tilmaamay damaciisa siyaasadeed mid khatar ku ah dimoqraadiyadda iyo xasilloonida dalka.
Waxay sidoo kale meesha ka saareen wax ka beddelkii lagu sameeyay dastuurka, iyagoo ku tilmaamay mid sharci-darro ah oo aan loo marin wadiiqooyinkii saxda ahaa ee wadatashiga qaran.
Shirka waxaa soo qaban-qaabiyay Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed, taas oo wadatashiyo la yeelatay qaybaha kala duwan ee bulshada, oo ay ka mid yihiin odayaasha dhaqanka, culimada, dhallinyarada, haweenka, warbaahinta, iyo ururrada bulshada rayidka ah.
Intii uu socday shirka, waxaa si qoto dheer looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin:
- Dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada Al-Shabaab iyo Daacish
- Midnimada iyo wadajirka dalka
- Khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay isbeddelka dastuurka
- Musuqa iyo eexda baahday
- Xaraashka dhulka danta guud
- Heshiisyada qarsoon ee lagu bixiyay khayraadka dabiiciga ah
- Dhibaatada dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku dhamaanaya badda iyo saxaraha
- Dhaqaale xumida baahsan
- Xaaladda adag ee bani’aadannimo ee ka jirta dalka
Mucaaradka ayaa ugu dambeyn ku baaqay in la helo hannaan dimoqraadi ah oo lagu gaaro doorasho xor ah, xalaal ah, isla markaana loo dhan yahay, si dalka looga badbaadiyo burbur siyaasadeed iyo qalalaase amni.




