Mudanayaasha Golaha Shacabka Oo Ansixiyey Heshiiska Lagu Dhisay Urur-Goboleedka IGAD

0

Muqdisho –  Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay Kalfadhiga 7-aad, Kulankiisa 30-aad, kaas oo uu shir-guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

 

Ugu horrayn, Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa akhrinta saddexaad marsiiyey Heshiiska lagu dhisay Urur-Goboleedka IGAD. Warbixinta akhrinta saddexaad ee heshiiskan waxaa Golaha la wadaagay Xildhibaan Aweys Xuseen Macallin, oo ah Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Golaha Shacabka.

Intaas kaddib, Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa cod u qaaday heshiiskan, waxaana oggolaaday 141 xildhibaan, halka laba xildhibaan ay diideen, hal xildhibaan na uu ka aamusay, taas oo ka dhigan in heshiiska si rasmi ah loo ansixiyey.

Dhanka kale, Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa akhrinta koowaad marsiiyey Hindise-Sharciyeedka Sharciga Ciqaabta, kaas oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka. Warbixinta akhrinta koowaad ee hindise-sharciyeedkan waxaa Golaha la wadaagay Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Mudane Xasan Macallin Maxamuud.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa su’aalo la xiriira mabaadi’da guud ee hindise-sharciyeedka weydiiyey Wasiirka, kaas oo si faahfaahsan uga jawaabay su’aalihii ay Xildhibaanadu soo jeediyeen.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo kulanka soo xiray, ayaa faray Guddiga ku shaqada leh in ay soo diyaariyaan akhrinta labaad ee Hindise-Sharciyeedka Sharciga Ciqaabta, isla markaana Golaha dib loogu soo celiyo si akhrinta labaad loo marsiiyo loogana doodo.

No photo description available.No photo description available.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here