Mudanayaasha Labada Aqal ee BJFS oo Ka Dooday Cutubka Afaraad ee Wax-ka-beddelka Dastuurka KMG ah

0

Muqdisho, Soomaaliya — Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka kalfadhiga 7-aad, kulankiisa 11-aad ee wadajirka ah, kaas oo diiradda lagu saaray dib-u-eegista Dastuurka KMG ah.

 

Kulanka ayaa waxaa guddoominayay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Aqalka Sare, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, waxaana wehlinayay Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Aqalka Sare, Mudane Cabdullaahi Xirsi Timacadde.

Ajendaha kulanka wadajirka ah ee maanta ayaa ahaa marxaladda labaad ee ka doodista soo-jeedimaha wax-ka-beddelka dastuurka, gaar ahaan cutubka afaraad ee wax-ka-beddel kooban oo ku saabsan Qodobada 49-aad, 50-aad iyo 54-aad ee Dastuurka KMG ah.

Ugu horreyn, Guddoonka Guddiga Baarlamaanka Labadiisa Aqal u Qaabilsan Dib-u-eegista iyo La Socodka Dastuurka, iyo sidoo kale Guddiga Madaxa-bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka, ayaa mudanayaasha la wadaagay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan wax-ka-beddellada kooban ee lagu sameeyay qodobadaasi.

Intaas kaddib, mudanayaasha labada Aqal ayaa si qoto dheer uga dooday qodobada 49-aad, 50-aad iyo 54-aad, iyagoo soo jeediyay aragtiyo iyo tallooyin la xiriira wax-ka-beddellada ay guddiyadu soo diyaariyeen.

Gabagabadii kulanka, Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Aqalka Sare, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, ayaa sheegay in doodda dib-u-eegista dastuurka ay sii socon doonto, isla markaana lagu wadi doono kulanka xiga ee la qorsheeyay inuu qabsoomo maalinta Isniinta ah.

Kulamadan ayaa qeyb ka ah dadaallada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee lagu dhammaystirayo dib-u-habaynta Dastuurka KMG ah, si loo helo dastuur dhammeystiran oo saldhig u noqda hannaanka dowladnimo ee dalka.

May be an image of one or more people and daisMay be an image of one or more people, dais and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here