Mudavadi iyo Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka wadahadlay xoojinta xiriirka iyo amniga gobolka

0

Nairobi, Oktoobar 24, 2025 — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Kenya ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Diaspora-da, Mudane Musalia Mudavadi, ayaa Arbacadii kulan kula yeeshay Safiirka Soomaaliya ee Kenya, Jibriil Ibraahim Cabdulle, si ay uga wada hadlaan xiriirka laba geesoodka ah iyo sidii loo xoojin lahaa nabadda iyo amniga Geeska Afrika.

 

Mudavadi, oo warbixin ku faafiyay bartiisa rasmiga ah ee X (hore Twitter), ayaa carabka ku adkeeyay in nabadda iyo amniga ay udub dhexaad u yihiin horumarka Afrika, isagoo xusay in xasiloonida gobolka ay saldhig u tahay kobaca dhaqaale, ganacsiga, iyo is-dhexgalka shacabka.

“Nabadda iyo amniga waa wadnaha horumarka Afrika, waxayna fure u yihiin isu socodka dadka iyo abuurista fursado xoojiya xiriirka diblumaasiyadeed iyo dhaqaale ee qaaradda. Kenya waxay weli ka go’an tahay horumarinta xasilloonida Afrika, iyadoo ku saleysan midnimo, iskaashi, iyo taariikhda dheer ee aynu wadaagno,” ayuu yiri Mudavadi.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Nairobi, ayaa labada mas’uul waxay diiradda saareen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada la dagaallanka argagixisada, ganacsiga xuduudaha, is-weydaarsiga waxbarasho, iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.

Labada dhinac ayaa sidoo kale hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo wada shaqeynta si loo gaaro nabad iyo horumar waara oo ka dhaca guud ahaan Geeska Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here