MUQDISHO (SMN) – Maamulka Degmada Gubadley ayaa caawa qabtay munaasabad loogu mahadcelinayay Madaxda Qaranka, maadaama dhowaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda uu Gubadley u aqoonsaday degmo rasmi ah oo ka tirsan gobolka Banaadir.
Masuuliyiin uu ka mid yahay Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Cali Maxamed Geedi, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), Wasiiro, Xildhibaano, Saraakiil, Odayaal dhaqan iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa ka qeyb galay munaasabadda mahadcelinta aheyd ee caawa lagu qabtay degmada Gubadley.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in muddo dheer ay soo dulqaateen reer Gubadley, balse ugu dambeyn ay xaqoojiyeen guushooda degmonimo.
Sidoo kale wuxuu bulshada ugu baaqay in laga wada-shaqeeyo Horumarka, Amniga iyo dib-u-dhiska Caasimadda.
Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-