Munaasabad Shahaado lagu Gudoonsiinayey Arday Soomaaliyeed oo ka dhacday Turkiga

0

Ankara, Turkiga — Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Turkiga, Mudane Danjire Fathudin Cali Maxamed (Ospite), oo ay wehelisay U-Qeybsanaha Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, ayaa ka qeyb galay munaasabad ballaaran oo shahaadooyin lagu guddoonsiinayay arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Tartanka Kubadda Cagta ee Sannadlaha ah 2025 ee ka dhacay magaalada Ankara.

 

Munaasabaddan oo ay soo qabanqaabiyeen Ururka Ardayda Soomaaliyeed ee Ankara, ayaa lagu bogaadiyay guusha ay ardaydu ka gaareen tartanka, isla markaana lagu dhiirrigeliyay isku-dheelitirnaanta waxbarashada iyo ciyaaraha.

Danjire Fathudin Cali Maxamed ayaa hadal uu ka jeediyay munaasabadda ku xusay muhiimadda ay leedahay isboortiga, isagoo xasuusiyay ardayda in “jir caafimaad qaba uu horseedo maskax caafimaad qabta”, isla markaana uu ku boorriyay inay sii xoojiyaan isdhexgalka, wadajirka, iyo horumarinta isboortiga.

Safiirka ayaa sidoo kale ammaanay doorka Ururka Ardayda Soomaaliyeed ee Ankara ee ku aaddan mideynta ardayda, horumarinta kartidooda, iyo kor u qaadista sumcadda ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta dalka Turkiga.

Munaasabadda ayaa ku soo dhammaatay jawi farxad leh, iyadoo shahaadooyin iyo abaalmarinno la guddoonsiiyay ardaydii ku guuleysatay tartanka, lana ballanqaaday in la sii wadi doono taageerada isboortiga ardayda Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here