Muqdisho – Isu soo baxii lagu waday inuu maanta ka dhaco magaalada Muqdisho ee ay ku dhawaaqeen qaar ka mid ah mucaaradka ayaa dib u dhacay, kaddib markii ay jireen dadaallo diblumaasiyadeed iyo kuwo bulshada dhexdeeda ah oo lagu doonayay in lagu dejiyo xiisadda siyaasadeed.
Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Villa Somalia ay kulammo la yeelatay qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka, siyaasiyiin, iyo xildhibaanno si loo yareeyo abaabulka dibadbaxa.
Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sidoo kale la rumeysan yahay inuu dadaal ugu jiro inuu wadahadal la furo xubno ka tirsan mucaaradka, si looga hortago xiisad hor leh.
Qaar ka mid ah mucaaradka ayaa dhaliilay in Villa Somalia ay adeegsato xeelado kala furfur ah si loo wiiqo midnimada Madasha Samatabixinta. Hase yeeshee, Villa Somalia weli kama aysan hadlin arrintan si rasmi ah.
Dhinaca kale, shacabka ku dhaqan caasimadda ayaa si taxadar leh u eegaya xaaladda, iyadoo loo baqdin qabo in xiisadda siyaasadeed ay saameyn ku yeelato ammaanka iyo nolol maalmeedka magaalada.
Waxaa la filayaa in toddobaadyada soo socda ay noqon doonaan kuwo go’aamiya jihada ay u socoto mucaaradnimada, iyo sida ay dowladda u wajahdo baaqyada ku saabsan wadahadal iyo is-afgarad siyaasadeed.




