Muqdisho: Mahad Salaad oo Si Rasmi ah u La Wareegaya Xilka Agaasimaha NISA

0

MUQDISHO, Soomaaliya – Maanta magaalada Muqdisho waxaa si rasmi ah loogu qabtay munaasabad lagu wareejinayo xilka Agaasimaha cusub ee Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), halkaasoo Mahad Salaad si rasmi ah xilka ugala wareegayo taliyahii hore, Cabdullaahi Sanbaloolshe.

 

Magacaabista Mahad Salaad ayaa dhawaan waxaa meel mariyay Golaha Wasiirada Federaalka Soomaaliya, waxaana xil wareejintan ay calaamad u tahay bilowga wejiga cusub ee horumarinta iyo adkaynta amniga dalka.

Mahad Salaad ayaa la filayaa inuu qaado tallaabooyin muhiim ah oo wax ka beddelaya hannaanka hay’adda, kor u qaadista qorshaha lagula dagaallamayo kooxda Al-Shabaab, iyo xoojinta ammaanka guud ahaan magaalada Muqdisho iyo deegaanada kale ee dalka.

Horay Mahad Salaad wuxuu uga soo shaqeeyay hay’adda NISA, waxaana lagu xasuustaa doorkii muhiimka ahaa ee uu ka qaatay hagaajinta amniga caasimadda iyo tayeynta hay’adda.

Munaasabadda xil wareejinta ayaa waxaa ka qayb galay mas’uuliyiin dowladda ah, saraakiil ciidan iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo muujiyay taageeradooda iyo kalsoonidooda ku aaddan hoggaaminta cusub ee Mahad Salaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here