Mugadisho: Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Magaalada Muqdisho ka daahfuray kulan lagu falanqeynayo adeegyada ay dowladda siiso bulshada, isaga oo sheegay in shirkan uu muhiim u yahay dib-u-habaynta iyo isla xisaabtanka si bulshada loo gaarsiiyo adeeg hufan.
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa xusay in hadafka shirka uu yahay sidii muwaadiniinta loo gaarsiin lahaa adeegyada aas-aasiga ah ee ay u baahan yihiin, iyadoo si gaar ah diiradda loo saarayo dadka ku nool goobaha fog-fog ee miyiga.
Intaa waxaa dheer, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa ganacsatada iyo maalgashatada ku dhiirrigeliyay in ay ka qayb qaataan horumarinta adeegyada dadweynaha, si loo gaaro horumar bulsho oo waara.
Shirka ayaa lagu wadaa inuu qeyb ka noqdo dadaallada dowladda ee lagu xoojinayo adeegyada bulshada iyo maamulka hufan ee dalka.




