Muqdisho oo Qaad la’aan ah Maalintii Labaad

0

MUQDISHO – Laga soo bilaabo Maalintii shalay ilaa iyo Maanta Ma jirin wax diyaarado qaad siday oo ka yimid Kenya Kana soo dagay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaaladda Muqdisho.

 

Sida ay shabelle u sheegen ganacsatada qaadka Muqdisho. Shalay oo qaad ka aan ay ka dhacday Muqdisho goobaha hoos yimaada ayaa waxaa Walaac uu la soo dersay Qaadleyda iyo Macaamiishooda.

Waxaana ay Ganacsatada miisleyda qaadka ay Shabelle u sheegen in ay iibinayeen Qaad magaciisa ay inoogu sheegeen Baarixi oo ah mid maalmo ka hor u yiilay

Shabelle oo la xiriirtay dhinacyo kala duwan ayaa hesho labo Macluumaad oo kale ah in Ay isku dhiban yihiin Jilbaweynta horay ula wareegtay Mashruuca keenista Jaadka iyo Qaadleyda ku sii iibisa gudaha Caasimadda.

Caqabadaasi oo ah in dhaqaalo xad dhaaf ah qaadka ay kaga qaataan Marka uu yimaado garoonka Ragga Lasoo dagana ay Beeraha Qaadka Kenya kaga soo qaataan Qiimo aad u yar.

Macluumaad kale oo aan helnay ayaa sheegaya in uu jiro khilaaf aan shaacsanen oo u dhexeeya labada dowladod ee Kenya iyo Soomaaliya taasi hakisay duulimaadyad qaadka Ee loo soo daabulo Soomaaliya.

Labada Dowladod Ee Soomaaliya iyo Kenya oo marar kala duwan kala saxiixday Heshiisyo dhowr ah oo ganacsi ayaanan muuqan wax ay Soomaaliya ku bedelatay Qaadka loo iibkeeno bedel kiisa oo adeeg ganacsi

Kenya waxaa ay dhowaan ka reebtay Soomaaliya FISAHA dal ku galkeeda oo dhamaan Dowladaha Africa ay u ogolaatay in Ay Fiisaha ku dhex qaataan Garoonka diyaaradaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here