Tanzania ayaa lagu dhawaaqay in Madaxweyne Samia Suluhu Hassan ay ku guuleysatay doorashadii madaxtinimada ee dhawaan dalkaas ka dhacday, iyadoo heshay 98% codadka doorashada. Natiijadan ayaa dhalisay rabshado dhiig ku daatay, muran xooggan iyo tuhun ku saabsan ku shubasho iyo caburin siyaasadeed, kadib markii mucaaradka lagu eedeeyay in laga hor istaagay tartanka.
Warbixinno madax-bannaan ayaa tilmaamaya in hab-raaca doorashada aanu ahayn mid xor iyo cadaalad ah, taas oo dhalisay su’aalo badan oo ku saabsan sida uu nidaamka dimuqraadiyadeed ee Tanzania u shaqeynayo. Madaxweyne Samia Suluhu ayaa xilka heshay sanadkii 2021, kadib geeridii Madaxweyne John Pombe Magufuli, xilligaas oo ay ahayd Madaxweyne ku-xigeen.
Doorashadan muranka dhalisay ayaa tusaale u noqotay hoos u dhaca dimuqraadiyadda Afrika, halkaas oo hoggaamiyeyaal badan ay ku sii dhegaan xukunka, iyagoo adeegsanaya awoodda dowladeed si ay u adkeystaan talada. Arrintan ayaa keentay rabshado, kalsooni darro iyo dagaallo saameeya amniga iyo horumarka qaaradda.
Dhanka kale, Soomaaliya ayaa wajahaysa xaalad la mid ah tan ka jirta Tanzania, iyadoo weli lagu muransan yahay qaabka doorashada iyo isbedellada dastuurka ee uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Xasan Sheekh Maxamuud, ku sameeyay nidaamka doorashada. Maamulada Jubaland iyo Puntland, iyo sidoo kale mucaaradka, ayaa si cad uga hor yimid qorshahaas, iyagoo ku tilmaamay isku day lagu xadgudbayo nidaamka awood qeybsiga iyo mabda’a dimuqraadiyadda.
Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa sii xoogeysanaysa, iyadoo waqtiga dowladda ka haray uu yahay lix bilood oo keliya, balse aan weli jirin hannaan doorasho oo ay dhinacyadu ku heshiiyeen. Falanqeeyayaal ayaa ka digaya in haddii aan xal siyaasadeed laga gaarin, ay taasi wiiqi karto xasilloonida iyo kalsoonida shacabka ee nidaamka dowladnimo.
Marka la eego xaaladda guud ee qaaradda Afrika, waxaa muuqata in dimuqraadiyaddu ay halis ku jirto, iyadoo doorashooyinka badankood isu beddelay boob siyaasadeed iyo afduub nidaam ay madaxdu u adeegsadaan in ay kursiga ku sii nagaadaan.




