MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ka qeyb galay kulan dadweyne oo ay soo qaban qaabisay Madasha Minbar initiative, isagoo ka jawaabay su’aalo ay weydiiyeen ka qeybgalayaasha.
Madasha ayaa looga hadlay mawduucyo xaasaasi ah oo la xiriira talaabooyinka waaweyn ee Dowladda Federaalka Soomaaliya qaaday sanadka 2023.
Madaxweynaha ayaa intii uu kulanka socday ka jawaabay su’aal la xiriira mushaaraadka ay qaataan ciidamada xoogga dalka, waxa uuna tilmaamay in ciidamadu ay dadaal badan u galeen sidii ay u sugi lahaayeen amniga xilli ay jiraan duruufo adag.
Madaxweynaha ayaa xaqiijiyay in dib u eegis lagu sameyn doono mushaaraadka ciidamada, islamarkaana sare u qaadistooda ay muhiim u tahay dowladda Soomaaliya.