Musharrax Dowladda Ku Eedeeyay Dayaca Amniga Goobihii Al-Shabaab Laga Saaray

0

Beledweyne – Musharrax madaxweyne Suldaan Cabdiqani Suldaan Qorane ayaa si kulul u dhaliilay dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo ku eedeeyay in ay dayacday amniga deegaannadii laga saarey Al-Shabaab sanadihii la soo dhaafay, kuwaas oo hadda mar kale gacanta u galay kooxdaas.

 

Suldaan Cabdiqani oo ka hadlayay xaaladda amni ee dalka, ayaa tusaale u soo qaatay degmooyin ka tirsan gobolka Hiiraan oo dhawaan Al-Shabaab ay weerarro culus ka geysteen islamarkaana la wareegeen.

Wuxuu sheegay in dowladda aysan siin taageeradii loo baahnaa dadka deegaanka iyo ciidamada macawiisleyda ee la dagaallamayay Al-Shabaab, taasoo keentay in kooxdu ay dib u hantido dhulkii laga saaray.

“Goobihii laga saaray Al-Shabaab, dowladda ma ilaalin. Dadkii deegaanka ee halganka ku jirayna taageero kama helin dowladda. Taasi waxay fursad siisay Al-Shabaab in ay dib ugu soo laabtaan,” ayuu yiri Suldaan Cabdiqani Qorane.

Hadalka Suldaan Cabdiqani ayaa imaanaya xilli ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay abaabul xooggan ka wadaan gobolka Shabeellaha Hoose, si ay dib ugu qabsadaan deegaanadii ay dhowaan la wareegeen Al-Shabaab.

Waxaa lagu wadaa in howlgal ballaaran laga fuliyo gobolkaas, iyadoo dowladda ay sheegtay in la dardar gelinayo dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here