Musharax Madaxweyne Galmudug Maxamed Saciid oo farriin culus diray

0

MUQDISHO (SMN) – Musharax Madaxweyne Galmudug Maxamed Saciid oo warsaxaafeed soo saaray ayaa diray farriin culus iyo hambalyo ku aadan sanad guurada 16-aad ee aas aaska Galmudug.

 

MUDANAYAAL IYO MARWOOYIN;

Hambalyo dhammaan walaalaha dadka ree Galmudug. Waxaan hambalyada iyo farxada la wadaagayaa dadka reer Galmudug ee ku dhaqan dalka iyo dibedda oo sanad waliba u dabaaldaga jiritaanka Galmudug xudun iyo astaan wanaagsan u ah Dowladnimada dalkeena iyo Soomaalinimada intaba oo ay labaduba walaalaha reer Galmudug galiyaan caqli iyo cudud badan.

Galmudug sannado badan oo ay jirtay waxaa u qabsoomay waxyaabo badan oo amaan iyo boggaadin mudan halka ay jireen waxyaaba badan oo laga dib dhacay kuwaa oo sababeen duruufo kala gadisan.

Waxyaabaha wanaagsan ee Galmudug u qabsoomay ayaa waxaa ka mid ah in la gaaray qaan-gaarnimo ku aaddan nidaamka Dowladnimada, hormuudna ay ka ahayd isku haynta iyo xasiloonida Dowladnimada Soomaaliya oo xilliyo kala duwan Galmudug martigalisay shirar waaweyn oo xasaasi ah kuwaa oo looga gollahaa midnimada iyo hormumarka Soomaali wayn.

Taniyo dhismaheedii, Galmudug waxaa ay ku ammaanayd la dagaalanka kooxaha nabad iyo Dowladnimo diidka ah iyo kaalintii ay muddooyinkii u danbaysay ka gaysatay la dagaalanka kooxaha argagixisada oo degaano badan lagu xoreeyay.

Dhinaca waxyaabaha laga gaabiyay ayaa waxay isugu jireen kuwa dabiici ah oo ku dabran xaaladaha dhaqan-dhaqaale ee Galmudug iyo kuwa la xiriira gaabis ka yimi dhinaca siyaasada oo ay ka mid tahay colaadaha sokeeyo ee qabaa’ilada walaalaha ah ee wada daga Galmudug.

Waxqabadka wanaagsan iyo hormurka ay Galmudug gaartay waa mid billow ah oo boggaadin, joogtayn iyo sii hormarin mudan iyadoo dhinaca kale siyaasiyiinta, dhaqanka, culumaa’udiinka, haweenka, dhalinyarada, warbaahinta iyo guud ahaan qaybaha kala duwan ee bulshada looga baahan yahay in ay gacmaha isqabsadaan oo ay si wada jir ah uga shaqeeyaan xasiloonida & horumarka Galmudug iyo guud ahaan kaalinta kaga aaddan Dowladnimada Soomaaliya.

Dabaal daga sannadka wuxuu ku soo beegmay xilli Galmudug ay ka taagan tahay xaalad doorasho. Dhammaan dhinacyada doorka ku leh doorashada Galmudug waxaan ka rajaynayaa, kulana dardaarmayaa in ay muujiyaan sidoo kalana joogtayaan qaan-qaarnimo siyaasadeed iyadoo si wada jir ah looga wada shaqaynayo qabsoomida doorasho xor iyo xalaal ah ay ka dhacdo Galmudug, sidoo kalana waqtigeeda ku qabsoomta.

Anigoo ah musharax u taagan xilka Madaxweynaha Galmudug, waxaan kaalinta iiga aaddan hore uga gaystay haddana ka gaysan doonaa in la helo Galmudug dadkeedu u siman yihiin, u adeegtada dadkeeda, horumarkeeda kadibna kaalin mug leh ka gaysata hormurinta Dowladnimada Dalkeena Soomaaliya.

Mar kale waxaan u hambalyaynayaa walaalahayga reer Galmudug oo aan ku tabayo wanaag iyo hal abuur badan. Waxaan rajaynayaa in sannadkan midka xiga aan u wada dabaal dagi doono Galmudug tayo iyo taagba ka duwan Galmudug ta maanta haddii Alle ii garto, walaalaha reer Galmudug na aad igu garab siisaan inaan hoggaan (Madaxweyne) ka noqdo Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here