MUQDISHO (SMN) – Labo maalin kahor dowladda federaalka Soomaaliya ayaa Muqdisho waxa ay kaga dhawaaqday Muqdishada cusub oo laga dhisayo Garoon iyo Dekad cusub.
Mashruucan ayaa waxaa ku kacaya malaayiin dollar iyadoo dadka Soomaaliyeed loogu baaqay inay maalgashadaan. Waxaa durba soo baxaya diidmo qayaxan oo ay muujinayaan siyaasiyiinta ku awooda badan dhulka dowladdu ay sheegtay in kaga dhisayo Garoonka iyo Dekedda.
Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa tilmaamay in mashruucan la doonayo in lagu boobo dhul ay dadi leeyihiin oo ku yaalla inta u dhexeysa Ceel-macaan iyo Warsheekg ee gobolka Shabelada dhexe.
Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidatan:-
Mashruurca Dekadda & Garoonka cusub (New Mogadishu Development Corporation)
In dadka degaanka talo iyo tixgelin kadib danguud ahaan looga qaado dhul la doonayo in laga hirgeliyo mashruuc Garoon iyo Dekad oo ay yeelato Muqdisho,isla markaana dadka deegaanka laga siiyo Mashruuca ugu yaraan 35% waa wax macquul ah caalamkana kajira.
Waxaase curato diimoon iyo yaab ah in aan helayno xog ah in la doonayo in magaca Danguud lagula wareego dhul xeebeedka u dhexeeya deegaanka Ceelmacaan ilaa Degmada Warsheekh ee Gobolka Sh/Dhexe oo gaaraya (30 KM oo dherer ah iyo 10KM oo ballac ah).
Arintaan waxaan u arkaa Boob iyo barakicin dadka deegaankaasi ku nool, ujeedkuna ma aha mashruuc Garoon oo ay ku filan tahay (5 Km oo dherer ah iyo 2.5 Km ballac ah, mana aha Dekad u baahan 7 KM oo dherer xeebta ah iyo 2.5 KM oo ballac ah).
Waxaan ka digayaa in barakicinta iyo dhul boobka ka socda Xamar loo raro Degmada Warsheekh.
Dadka deegaanka waa inay baraarugaan, fadhigana ka kacaan dal iyo dibad inta ay goori goor tahay.