Muungaab oo Furay Wadooyinka Laga Galo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

0

Muqdisho, 15 Oktoobar 2025 – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, ayaa maanta si rasmi ah u furay wadooyinka laga galo garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde, kuwaas oo sanado badan xirnaa sababo la xiriira amniga.

 

Furitaanka wadooyinkan ayaa qeyb ka ah olole ballaaran oo soconaya muddo 30 cisho ah, kaas oo loogu talagalay in dhagxaanta iyo xayiraadaha laga qaado 52 waddo oo muhiim ah oo ku yaalla magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiinta maamulka gobolka oo horkayaya gudoomiye Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa sheegay in tallaabadan ay kor u qaadi doonto isu-socodka shacabka iyo gaadiidka, islamarkaana ay qeyb ka tahay dadaallada lagu soo celinayo bilicda iyo furanida wadooyinka caasimadda.

“Waxaan rabnaa in muwaadiniintu ay si xor ah ugu safri karaan magaalada gudaheeda, si gaar ah wadooyinka istiraatiijiga ah sida kuwa garoonka,” ayuu yiri Guddoomiyaha.

Tani waxay timid iyadoo maamulka Gobolka Banaadir uu wado qorshe lagu xoojinayo amniga iyo dib u habeynta kaabeyaasha magaalada Muqdisho.

Furista wadooyinka waxay la kowsadeen weerarkii Godka Jilicow, oo AlShabaab ay ku qaadey xaruntaas horaantii bishan, iyadoo adeegsanaysa xeelad cusub oo ah tuutaha iyo gaari leedahay NISA.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here