Muqdisho – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Maxamed Xasan Xuseen Muungaab, ayaa xalay ka hadlay munaasabad ka dhacday xarunta gobolka Banaadir, oo ay ka qeybgaleen Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale oo muhiim ah.
Muungaab ayaa ka hadlay arrimo badan oo la xiriira gobolka Banaadir iyo xaaladdiisa siyaasadeed iyo maamul.
Duqa Muqdisho ayaa sheegay in waqtigii kooxo gaar ah ay sheegan jireen gobolka Banaadir uu dhammaaday, isla markaana hadda gobolka loo siman yahay sharciga iyo qaamuuska dalka.
Muungaab ayaa intaas ku daray in waayihii ay koox gaar ahi sheegan jirtay Muqdisho ay haatan ka gudubtay, ayna taagan tahay xaalad cadaalad iyo sinnaanta ku dhisan oo ay dowladdu ku dhaqanto.
Hadalkan Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ku soo beegmaya xilli Madaxweynaha Soomaaliya uu dadaal ugu jiro in dalka laga hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah, waxaana doorashadan laga bilaabi doonaa gobolka Banaadir.



