PORT ELIZABETH, Koonfur Afrika — Wararka naga soo gaaraya magaalada Port Elizabeth ayaa sheegaya in xalay ay ku dileen muwaadin Soomaaliyeed xaafadda Booysenpark.
Ninkaas oo lagu magacaabi jiray Sharmaarke Aadan Muxumad, ayaa si toos ah loogu dilay dukaankii uu ka shaqeynayay, iyadoo kooxo burcad ah oo hubeysan ay weerareen.
Marka la eego warbixinta booliiska, kooxihii falka ka geystay goobta ayaa ka baxsaday halkaasi ka hor inta aysan ciidanka amniga gaarin.
Booliiska ayaa sheegay inay baarayaan dhacdada, inkasta oo aan wali la soo qaban cid ka dambeysay dilka.
Dilalka, dhaawacyada, iyo xatooyada joogtada ah ee ka dhaca ganacsiyada ay leeyihiin Soomaalida ee Koonfur Afrika ayaa noqday dhibaato soo noqnoqota.
Inkastoo dowladda Koonfur Afrika ay marar badan ballanqaaday inay wax ka qaban doonto xaaladaha adag ee ay la kulmaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, haddana wax qorshe cad ah oo looga hortagi karo weeraradaas ma jiraan.



