Muwaadin Soomaaliyeed oo si arxan darro ah loogu dilay Koonfur Afrika

0

CAPE TOWN (SMN) – Wararka naga soo gaaraya dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in xalay muwaadin Soomaaliyeed lagu dilay duleedka magaalada Cape Tow ee dalkaasi.

 

Kooxo burcad Afrikaan ah ayaa lasoo wariyay inay si arxan darro ah u dileen marxuumka oo lagu macacaabi jiray Abuukar Maxamed Jiinow.

Sidoo kale waxaa Abuukar lala dilay nin kale oo u dhashay dalka Koonfur Afrika, sida ay innoo sheegeen qaar kamid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee ku sugan halkaasi.

Burcadda dilka gaysatay ayaa sidoo kale dhac u gaystay muwaadinka Soomaaliyeed oo ganacsi kulahaa tuulo hoostagta magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika.

Halkan hoose ka daawo wararkii ugu dambeeyay:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here