Wasiirka arrimaha gudaha XFS oo guddoomiyay kulan muhiim ah + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Iyada oo ay nagu soo fool-leeyihiin todobaadka xoriyadda, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ayaa maanta mar kale martigelisay kulankii guddiga qabanqaabada maalmaha xoriyadda ee 26-ka Juunyo iyo 1-da Luulyo, kaasi uu guddoomiyo Wasiirka Wasaaradda mudane Xildhibaan Hon Ali Yusuf Ali – Xoosh.

Kulankan oo ay goobjoog ka ahaayeen xubnaha guddiga heer wasiir, hey’addaha kala duwan ee amniga iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa looga hadlay heerka diyaargarowga iyo qabanqaabada ee qeybaha kala duwan, kaalinta hey’addaha kala duwan, bandhigyada la filayo iyo sidii maalmaha qaran ee xoriyadda uu bandhigoodu u noqon lahaayeen mid weyn.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here