Janaraal Sheekh Yuusuf Indha-Cadde ayaa si qoto dheer uga hadlay weerarada gaadmada Al Shabaab iyo sida ay ugu suuro-gashay in ay qabsadaan Degmada Aaadan Yabaal ee Gobolka Sh.Dhexe.
Janaraal Indho-Cadde oo wareysi siiyay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in aysan aheyn wax wanaagsan in Ciidanka Xoogga Dalka ay galaan difaac maadaama sida uu tilmaamay Al Shabaab ay yihiin dagaal yahano is uruursada markii ay weerar qaadayaan.
Janaraalka ayaa tilmaamay in Ciidanka Xoogga looga baahan yahay in ay qaadaan weeraro joogto ah si buu yiri aan fursad loo siin Kooxda Al Shabaab.
Wuxuu Janaraalku sheegay in loo baahan yahay in wax laga qabto qaraxyada ay adeegsanayaan Al Shabaab markii ay weeraro qaadayaan, isagoona xusay in qaraxyadan ay yihiin wax inta badan qal-qal geliya Ciidanka Xoogga Dalka.
Dhinaca kale, Janaraal Indha-Cadde ayaa wax lagu xumaado ku tilmaamay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu qiro in Kooxda Al Shabaab ay mararka qaarkood ka adkaan karto Ciidanka Xoogga Dalka.
“Marnaba ma aheyn hadalkaasi uu yiraahdo Madaxweynaha, maadaama uu niyad jab ku noqon karo Ciidanka Xooogga Dalka ee haatan dagaalka kula jira Kooxda Al Shabaab”, sidaasi waxaa yiri Janaraalka.
Todobaadkii la soo dhaafay, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in marna Ciidanka Xoogga ay guul soo hooyaan, marna guusho raacdo Kooxda Al Shabaab, iyadoona ay taagneyd hadal heynta sida ugu suuro-gashay in Al Shabaab ay dib u qabsato Degmada Aadan Yabaal.




