Muxuu madaxweyne Xasan Sheekh ka yiri wada-hadalka Al-Shabaab

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in waqtigan aysan wax wada-hadal ah kula jirin kooxda Al-Shabaab.

 

Wuxuu Madaxweynaha sheegay in dowladdiisa aysan ka suurtoobin wada-hadal lala yeesha kooxda oo in ka badan 15 sanno dagaal kula jirta Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dowladda uu hoggaamiyo Xasan Sheekh ayaa labadii sano ee lasoo dhaafay dagaal culus ku qaaday Al-Shabaan, kaas oo lagu xoreeyay dhul aad u ballaaran

Hadalka madaxweynaha ayaa kusoo aadayo, ayada oo indhawaanahan la hadal hayay wada-hadallo la sheegay inay u bilaabanayaan dowladda iyo Al-Shabaan, arrintaas oo si wayn u qabsatay baraha bulshada ee Internet-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here