Muxuu madaxweyne Xasan Sheekh ka yiri weerarkii Cowswayne?

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay jeediyay khudbad xasaasi ah ayaa ka hadlay weerarkii xooganaa ee dhowaan Al-Shabaab ay ku qaadeen gudaha deegaanka Cowsayne ee gobolka Galgaduud.

 

Ugu horreyn madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaca ka qaaday in aysan jirin sheegashada Al-Shabaab ee ku aadan inay weerarkaasi ku leysay askar badan, isaga oo tilmaamay in wararka ay faafiyeen ay yihiin kuwa been abuur ah.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa qiray in dhimasho iyo dhaawac ay jiraan, balse sida loo dhigay aysan aheyn.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in qudhooda ciidamada dowladda ay khasaare lixaad leh gaarsiiyeen xubnaha weerarka soo qaaday, ayna ka dileen 190 xubnood.

Halkan hoose ka daawo:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here