Muxuu Madaxweyne Xasan Sheekh u diiday la kulanka Abiy Axmed?

0

BEIJING (SMN) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ku sugan magaalada Beijing ee caasimadda dalka Shiinaha ayaa ku gacan seeray inuu la kulmo ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul wasaare Abiy oo ka wada qayb-galay madasha Shiinaha iyo Afrika ayaa lasoo wariyay in madaxweynuhu diiday in lala kulan siiyo Abiy Axmed oo horraantii sanadkan heshiis sharci darro ah la galay maamulka Somaliland.

Wararka ayaa sheegaya in dadaallada kulanka uu ka biyo diiday Xasan Sheekh ay sameeyeen  hoggaamiyeyaal Afrikaan ah oo ay ku jiraan madaxweynaha Jabuuti, madaxweynaha Mauritania iyo ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika, ahna madaxweynihii hore ee Nigeria, Olusegun Obasanjo, laakiin ma suurto gelin.

Horay madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidan oo kale uga biyo diiday inuu wada-hadal foolka fool ah ula yeesho ra’iisul wasaaraha Itoobiya, waxuuna shuruud uga dhigay in marka hore uu ka laabto heshiiska badda ee uu la galay Muuse Biixi Cabdi.

Si kastaba, xiisadda ka dhalatay heshiiska badda ayaa weli taagan, waxaana ay saameynteeda si wayn looga dareemay gobolka Geeska Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here