Muxuu Ra’iisul wasaaraha XFS ka yiri amniga guud ee magaalada Muqdisho?

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya oo gelinkii dambe ee shalay booqasho ku tegay degmada Heliwaa ayaa ka hadlay amniga Muqdisho.

 

Xamza ayaa shaaca ka qaaday in xukuumaddiisa ay muhiimad gaar ah siisay amniga caasimada, oo uu tilmaamay in maalin walba ay ka dhici jireen dilal qorsheysan.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay dajiyeen qorsheyaal lagu sugayo amniga, ayna diyaariyeen ciidamadii ka shaqeyn laha amniga, kuwaas oo isbeddal keenay.

“Waxaan dajinay qorshe lagu sugayo amniga magaalada oo la yiraahdo qorshaha koowaad, qorshaha labaad iyo qorshaha saddexaad oo isbdaba socda, kadibna waxaan howlgelinay ciidamada aan u baahanahay, annagoo soo kordhinay boolis mliataaro” ayuu yiri Xamza.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale intaasi kusii daray inay la yimaadeen midnimo iyo shaqeyn, taasna ay keentay in hay’adaha dowladda ay iska kaashaan amniga dalka.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo mararka qaar ay weli falal amni darro ay ka dhacaan gudaha Muqdisho, waxaana ugu dambeeyay qaraxii Kuliyadda Jaalle Siyaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here