Muxuu Taabit Cabdi ka yiri hubka u gacan shacabka degmada Caabudwaaq?

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho ayaa si adag uga hadlay hubka lagu dhacay degmada Caabudwaaq ee sida sharci darrada ah lagu soo geliyay dalka.

 

Taabit oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa sheegay in arrintan ay halis ku tahay dalka oo dhawaan uun laga qaaday cunaqabateynta hubka ee muddada dheer saarnayd.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay dowladda dhexe, Galmudug iyo baarlamaanka Soomaaliya inay arrintaan fargeliyaan, si sharciga loo horgeeyo dadkii ka dambeeyay falkaasi.

Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidatan:-

Qaadistii cunaqabateynta hubka ma ahayn in ay dhasho qulqul hub sharci darro oo halis ku ah xasilloonida iyo badqabka ummadda Soomaaliyeed, oo wiliba ay wararku sheegayaan in xadka Itoobiya ee Dowlad Gobolleedka GalMudug kasoo galay iyadoo wax xiriir ah uusan nagala dhexeyn Itoobiya.

Waxay sharafdhac ku tahay dowladnimada, hagardaamineysaa hannaanka xakameynta hubka, waana in si daahfuran baaritaan rasmi ah loo sameeyaa, si gaar ah Dowladda GalMudug hay’addaha ay quseyso lana horkeenaa sharciga cidkasta oo ku lug leh jarriimadan qaran ee Soomaliya iyo GalMudug-ba la rabo in lagu sharaf dilo.

Guddiga Difaaca iyo Amniga ee BJFS waajib ayaa ka saaran in ay islaxisaabtan ku sameeyaan Laanta Fulinta ee #DFS.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here